Akaademiyadda QAAMUUS
Akaademiyadda Qaamuus: waa goob waxbarasho oo ku shaqaysa hab elektarooni ah, kuna baxaysa si fogaan dhigad ah (Elearning), taas oo loo gu talogalay, kobcinta iyo kor u qaadista aqoonta ardayda iyo barayaasha labadaba.
Iyo sidoo kale u carbinta iyo u diyaarinta ardayda jaamacaddaha ka qalinjebisa sidii ay u abuuran lahaayeen shaqo ama loogu heli lahaa shaqo.
Si taas loo gaadho wax ay akaademiyadda Qaamuus bixinaysaa casharro iyo tababarro ay fulinayaan khubaro iyo barayaal sare (Professors) kuwaas oo ka kala socda dalal ka la duwan, aqoon xeeldheer na u leh, laamaha cilmiga ay ee ay bixinayaan.
Qaamuus Academy
waxa kale oo uu ka shaqeeyaa la talinta, hagidda iyo u tilmaamidda qaababka ku habboon ee qofku ku gaari karo hankiisa iyo higsigiisa, iyada oo loo marayo dariiq aqooni ku dheehan tahay, lana adeegsanayo aaladaha casriga ah ee maanta ay dunidu ku tatalaabsatay.
Bixinta koorsooyin gaagaaban
tayo leh oo kaabayana bartaha
Fududeynta qaabka waxbarashada
iyada oo la adeegsanayo aaladaha casriga ah.
Bixinta diploma courses
oo laamo kala duwan ah
Samaynta tababaro kaabaya
xirfada bartaha(Online – webinar - events )
Koorsooyin tayaysan
Enjoy a variety of fresh topics
khubaro iyo barayaal sare
Find the right instructor for you
Webinars & siminars
Learn on your schedule